Hees murti iyo xigmad badan. Kolley heestan waxay xambaarsan tahay Qiso aan la yaraysan karin. Qaar ka mid ah axsaabta Youtub ayaa wax ka taa-taabtay habka & siday heestu ku curatay ama Qisooyinka ka dambayn kara...haddana waxaa ka sii fiicnaan lahaa haddii la heli lahaa Qisada rasmiga ah ee Heestan oo dhammaystiran ee heestani xambaarsan tahay.

Aduun baan wax dhaadine
Anba dhibaha jiillaal
Xilliyadan is dhallan roggey
Dhibtan kaa ilaashee (2x)

Dhaxantiyo abaaraha
Kaa dhawray haddimoo
Dhito subag lo'aad iyo
Ku cabsiiyey dhaydoo

Yey dhicin intaan lahaa
Dhugan waayey taydoo
Dheel dheeli awgaa
Igu dhaafe maalmuhu

Igu dheerida
Ma dhul gaaxday baad tahay
Mana soo dhawaatide
Ma mid aad u dhallataa??

Sidoo lay dhejaan weli
Ku dul dherersanahayoo
Aduun baan ku dhawraa
Dhanna kaama aaddee

Dhillow yahan sidiisii
Intaan kugu dhaloollaa
Dhexda kuugu duubnaa
Haddaan dhagaxa tuujiyo
Ammaa aan dhulkaba qodo
Dhirtaa ii magooshaa
Dheef noqon lahaydoo
Dhexda maan ka liiceen

Igu dheerida
Ma dhul gaaxday baad tahay
Mana soo dhawaatide
Ma mid aad u dhallataa??

Dhab addoo u seexdaaa
Dhibanahay kor-kaagoo
Dhunki kaad tidhaan ahay
Dhaxantiyo dugaaggoo

Anoo dheel arooryaad
Dharabtiisu igu taal
Dhab markaad u toostaad
Dheeraad igu fashaayoo

Igu dheerida
Ma dhul gaaxday baad tahay
Mana soo dhawaatide
Ma mid aad u dhallataa??